Sarkaal Alshabaab ah oo Mareykanku ku raadinayey $3 Milyan dollar oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal Alshabaab ah oo Mareykanku ku raadinayey $3 Milyan dollar oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya

Mareeg.com: Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka AlShabaab, islamarkaana Mareykanka lacag xoog leh madaxiisa uu horay u duldhigay ayaa isu dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, ee ka hawlgala Gobolka Gedo.

Sida ay ku warramayaan wararka ka imaanaya gobolka Gedo, Sheekh Sakariye Ismaaciil Xersi iyo mid ka mid ah xoghayntiisa, ayaa waxay barqanimadii maanta isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

Sarkaalkan sare ee ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inuu siduu dhiibaay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ah taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, kaasoo kasoo weday meel ka baxsan degmada Ceelwaaq.

Sarkaalkaan, ayaa wuxuu ahaa madaxii sirdoonka Al Shabaab ee Geeska Afrika, wuxuuna muddooyinkii ugu dambeysay uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyey Amiirkii Mareykanku dilay ee Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), loona yaqaanay Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

Dowladda Mareykanka, ayaa bishii June ee sanadkii 2012-ka $3 Milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Sheekh Zakariye, iyadoo cidii nolol iyo geeriba ku keenta loo ballanqaaday in lacagtaas la siinayo.

Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa la sheegay iney doonayaan in lagu wareejiyi sarkaalkaa, hase ahaate waxaa sida wararku sheegayaa diiday ciidanka Xooga dalka Soomaaliya ee gobolka Gedo, waxaana lagu wadaa in loo qaado Muqdisho.

Horay waxaa dowladda Soomaaliya isugu soo dhiibay hogaamiyihii Alshabaab ee Puntland, Sheekh Maxamed Saciid (Atam), kasooo dhowr maalmood ka hor Golaha Amaanka Qaramada Midoobay uu ka saaray liiska dadka loogu yeero Argagixisada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More