Sarkaal Alshabaab ah oo Kudhaa uga soo hanjabay maamulka Juba
Mareeg.com: Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Dulyadeyn ayaa fagaare ku yaalla deegaanka Kudhaa ee Jubada Hoose ka jeediyey khudbad, kadib markii ay maalin ka hor kala wareegeen ciidamada maamulka Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo.
Sheekh Maxamed Dulyadeyn, ayaa ku faanay in uu ka mid ahaa Saraakiishii horkaceysay dagaalkii ay ku qabsadeen Kudhaa, isla-markaana ay si weyn ugu wiiqeen Ciidamadii Maamulka KMG ee Jubba, sida uu yiri.
Dul-yadeyn ayuu xusay iney burburiyeen oo ay cagta mariyeen 450 ka mid ah Ciidamada Jubba, oo ku sugnaa deegaanka Kudhaa, ayna ka dhigeen waxay dilaan, dhaawacaan iyo in kaloo ka cararta deegaankaasi.
“Ilaa 450 nin oo Axmed Madoobe keenay Kudhaa waxaa laha hayaa 60 kaliya, intii kale waxaan ka dhignay wax la dilay, wax dhaawacmay iyo wax duurka kusii tabaaleysan” ayuu yiri Dul-yadeyn.
Wuxuu Sheekh Maxamed Dulyadeyn ku goodiyey iney difaaci doonaan deegaanka Kudhaa, haddii ay markale soo weeraraan Maamulka Jubba iyo Kenya.
Comments are closed.