Sarkaal Alshabaab ah oo kasoo hadlay Galgala “Puntland waxba ma oga” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal Alshabaab ah oo kasoo hadlay Galgala “Puntland waxba ma oga”

Mareeg.com: Sheekh C/qaadir Cali Muumin oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Alshabaab, kana dagaallama buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa soo diray cod uu kaga hadlayo howlgalka milateri ee Alshabaab lagu hayo.

Muumin ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka dagaalka Xulafada Mareykanku ku hayaan Khalaafada Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya iyo sidoo kale dagaallada ka socda Afghanistan iyo Pakistan.

Wuxuu sheegay C/qaadir Cali Muumin in ciidamada Puntland aysan aheyn kuwa qabsaday deegaanadii Alshabaab ka maamulayeen buuraleyda Galgala, balse ay halkaas qabsadeen ciidamada Mareykanka, sida uu yiri.

“Halka aan idinka kala hadlayo oo ah woqooyi bari Soomaaliya waxaad maqasheen in lagu soo duulay wilaayada Islaamiga ah ee halkaas ka jirta, oo la yiri ciidamada Puntland ayaa halkaas la wareegay, Puntland waxba ma oga, waa niman yar oo askar ah oo lagu shaqeysto, meesha Mareykan ayaa hogaaminaya, intiina Internet-ka heysata waxaan filayaa inaad aragteen Hamarada Mareykanka oo meesha maraya, ciidan Mareykan ayaa meesha taagan, kan Baydhabo iyo Baraawe hogaaminaya ayaa hogaaminaya, diyaaradahooda ayaa sahan wada oo dhulka dulmaraya, oo kala sheegaya meesha banaan iyo meesha la joogo” ayuu Sheekh C/qaadir Cali Muumin.

Sarkaalkan ka tirsan Alshabaab ayaa sidoo kale sheegay in Maryekanku doonayo inuu boobo Kheyraadka ku jira buuraha Galgala, wuxuuna wacad ku maray ineysan taasi dhici doonin.

“Waxaa laga yaab inaad is tiraahdaan muxuu Mareykanku halkaas ka doonayaa, buuruhu waa buuro barqaawo ah, macdan annagu aanan aqoonin ayaa meesha taalla, shamiido ayaa meel kasta iska taalla, waxaa yaala dhagxaan qaali ah, kheyraadka halkaas yaalla iney Muslimiinta ku filanyihiin ayaa laga yaabaa, Mareykanku wuxuu rabaa inuu gurto, waxaan Alle ugu dhaaranayaa ineysan kheyraadkaas guran doonin, gaashaanka ayaana loo daruurayaa” ayuu yiri Sheekh Muumin.

Muumin oo soo hadlaya ayaa yiri “Mareykanku wuxuu ka baqayaa Islaamka, haddii Islaamku awood yeesho wuu burburayaa, dhaqaalaha Mareykanku wuu burburay marka wuxuu doonayaa inuu dhulka Muslimiinta isaga kabo dhaqaale xumada heysata”.

Mar uu ka hadlay magaalooyinka haataan laga saarayo Alshabaab iyo kuwii horay looga saaray wuxuu tilmaamay ineysan taasi saameyn ku yeelan doonin dagaalka ay wadaan, wuxuuna yiri “Waxba kama xumaan Mujaahidiinta, magaalo kasta oo ay ka baxaan, annagoo dhisan ayaan magaalooyinka qabsanay, dibna waan u qabsan doonaa, xitaa Kenya, Itoobiya ayaan qabsan doonaa, waxaana soo celin doonaa Andalus iyo Beytul Muqadas”

Ugu dambeyntii Muumin ayaa ku tilmaamay dugsiyada wax laga barto kuwa lagu dhigo Dimuquraadiyadda, wuxuuna yiri “Iskuulo waxba ma tarayaan, iyadoo sharceecadii Alle dhulka taallo, in Iskuul dimuquradiyadda iyo gaalnimo lagu baranayo aad dhiganeyso iyadoo dhulka Islaamka gaalo qabsatay waxaasi waxba ma tarayaan”.

1-dii bishaan October ayaa madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas wuxuu shaaciyey in ciidamadiisu la wareegeen Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari kadib dagaal ay halkaas oo Alshabaab muddo ka talinayeen ku qaadeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!