Sarkaal Al Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Ciidanka DF ee Baardheere * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sarkaal Al Shabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Ciidanka DF ee Baardheere

Baardheere ( Mareeg.com)-Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Baardheere ayaa tilmaamay in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab uu isku soo dhiibay.

Faarax Cabdi Casharo oo u warramayay Warbaahinta ayaa tilmaamay in sarkaalka isi soo dhiibay uu ka mid ahaa saraakiishii laga saaray degmada Baardheere islamarkaana lagu Magacaabo Ciise Cabdi Xirsi oo dhanka maaliyadda Al Shabaab u qaabilsanaa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ka mid ahayd meelaha Al Sahbaab ay ugu xoogan yihiin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab ee ku aadan sarkaalkooda la sheegay in uu isku dhiibay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!