Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowlada

Sida ay baahisay Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya sargaal katirsanaa Kooxda Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowlada Soomaaliya ee ka howlgala Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Faarax Maxmed (Turbac) ayaa Wakaalada Sonna u xaqiijiyay in uu isku soo dhiibay ciidankooda sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab una qaabilsanaa dhinaca qaraxyada.

Sargaalka isku soo dhiibay ciidanka dowlada ayaa magaciisa lagu sheegay C/casiis Xasan Heybe (Bishaar), waxaana sargaalkan hada gacanta ku haya saraakiil katirsan ciidanka dowlada oo ku sugan Degmada Baardheere.

Faarax Turbac ayaa sheegay in Sargaalkan katirsanaa Al Shabaab kusoo dhaweeyeen degmada Baardheere, waxa uuna tilmaamay in uu xariir lasoo sameeyay una sheegay in uu kasoo baxay Al Shabaab .

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen dhinacooda, Al Shabaab ayaana inta badan ka hadlin xubnaha iyaga ka goosta kuna biira dhinaca dowlada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!