Saraakiisha Dowladda Federaalka Iyo AMISOM oo waan waan ka dhex wada Beelo ku dagaalamay marka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saraakiisha Dowladda Federaalka Iyo AMISOM oo waan waan ka dhex wada Beelo ku dagaalamay marka

Marka ( Mareeg )-Wararka aan ka heleyno Magaalada Marko ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  billaabeen Waan-waan ay isagu soo dhawanyanayaan Beelo ku dagaalamay Shalay Magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa waxay la kulmeen Odayaasha mid ka mid ah Labada dhinac ee Colaadda Magaalada Marko, waxaana wararka ay sheegayaan in dhinaca kale Odayashooda ay diideen in ay la kulmaan Saraakiisha AMISOM.

Mid kamid ah Waxgaradka Marko, oo la hadlay Idacaadda Shabelle ayaa sheegay in Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kormeer ku tageen Goobo ku burburay Dagaalkii Shalay ka dhacay Magaaladaasi.

Magaalada Marko oo gacanta dowladda gashay sanadkii 2012-kii, ayaa waxaa ka dhacaya dagaallo joogto noqday oo u dhaxeeya labadaasi Beelood oo halkaasi wada dego, iyadoo dadaallo badan oo la sameeyay si loo dhameeyo Colaadda ay fashilmeen.

Dowladda Federaalka oo mas’uul ka ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay  deminta Dagaallada Sokeeye ee ka dhacaya qeybo katirsan Dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!