Saraakiisha DFS oo guulo ka sheegtay Dagaallo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saraakiisha DFS oo guulo ka sheegtay Dagaallo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose

Afgooye (Mareeg)—Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheegtay Dagaallo Culus oo Al Shabaab ay kula galeen Degaano hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

 

Dagaalladan ayaa Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Xarakada Al Shabaab waxuu ku dhexmaray Degaanada Sabiid iyo Caanoole oo Duleed ka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

 

Abaanduulaha Guutada 3-aad ee Ciidamada Dowladda Korneel Maxamed Maxamuud Khataatoow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalkaasi ay uga guuleysteen Xarakada Al Shabaab.

 

Abaanduule Korneel Maxamed Maxamuud Khataatoow ayaa carabka ku dhiftay in Ciidamada Huwanta ay kala wareegeen Al Shabaab Degaano horleh oo hoostaga Degmada Afgooye.

 

Dhinaca kale, Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu sheegay in ay iska caabiyeen Weerar ay ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Sarkaalkan waxuu tilmaamay in weli Dagaal yahanada Xarakada al Shabaab ay ku sugan yihiin Degaanada lagu Dagaalamay.

 

Sikastaba, Shalay ayee aheyd markii Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ay sheegteen in Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab lagu Dilay Duqeyn Diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!