Saraakiil Ka Tirsan ONLF Oo Laga Afduubay Nairobi Loona Gudbiyey Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saraakiil Ka Tirsan ONLF Oo Laga Afduubay Nairobi Loona Gudbiyey Itoobiya

Nairobi – Mareeg.com: Labo sarkaal oo ka tirsan Jabhadda Soomaalida ah ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya ee ONLF ayaa axadii lagu afduubay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Maalinimadii Axadii ayaa laba sarkaal oo ka tirsan ururka ONLF oo fadhigoodu ahaa magaalada Nairobi la waayey, waxaana shalay oo isiniin ah laga warhelay in la geeyey dalka Itoobiya.

Labada nine e Nairobi laga afduubay ayaa kala ahaa Sulub Cabdi Axmed iyo kaaliyihiisa, waxaana la sheegay iney Nairobi u joogeen wada hadal muddo u socday dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF.

Saraakiishan la afduubay ayaa kamid ahaa xubnaha ugu sarsareeya ururka hubeysan ee ONLF ee dagaalka kula jira dowlada Itoobiya, kana deegaanka Soomaalida.

Baaritaan lagu sameeyey raadkii telefoonada gacanta oo ay wateen ayaa lagu ogaaday inay ka tilaabeen xadka u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee ururka ONLF oo ku sugan magaalada London ayaa sheegay in ay u cadaatay afduubka raggan habeenimadii Isniinta.

Warbaahinta taageerta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa baahiyey war sheegaya in raggan la qabtay iyagoo isku dayaya inay gudaha usoo galaan dalka Itoobiya.

Jabhadda ONLF ayaa beenisay warkaas, waxeyna sheegtay in labada sarkaal laga afduubay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Dowlada Itoobiya ayaan weli wax war ah kasoo saarin afduubka saraakiishaan iyo eedeynta ururka ONLF uu ku sheegay in sirdoonka Itoobiya qafaashay saraakiil ka tirsan ONLF oo ku sugnaa Nairobi.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!