Saraakiil ku dhintay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Villa Somalia & Meydad lasoo bandhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saraakiil ku dhintay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Villa Somalia & Meydad lasoo bandhigay

Muqdisho – Mareeg.com: Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayuu geystay weeraro is qarxin iyo toos isugu jiray oo maanta xilligii salaadda Alshabaab ku qaadeen xarrunta madaxtooyada Soomaaliya.

Inkabadan 10 qof oo ay ku jiraan kooxdii weerarka qaaday iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas, waxaana da ka badan 20 qof.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ka mid ah agaasimihii guud ee xafiiska ra’iil wasaaraha Soomaaliya, Maxamuud Xirsi Cabdulle (Indha-case) kana mid ahaa Soomaalida Canada ku noolayd muddada dheer si weynna looga yaqaan dalkaas iyo Jen. Nuur Shirbow oo ahaan jiray taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugidda.

Waxaa kale oo weerarka ku dhintay ugu yaraan todobo ka mid ah kooxdii ka tirsanaa Alshabaab ee weerarka fuliyey, kuwaasoo meydadkooda lasoo bandhigay.

War kazoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu tacsiyeeyey dadkii naftooda ku waayey weerarka Alshabaab ku qaaday mid ka mid ah albaabada madaxtooyada Soomaaliya.

Warka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Soomaaliya horasy usii socon doonto, islamarkaana aysan u joogsan doonin waxyaabaha nuucaan ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!