Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda iyo booliska Somalia oo xabsiga la dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda iyo booliska Somalia oo xabsiga la dhigay

Mareeg.com: Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, ayaa xirxirtay saraakiil farabadan, kuwaasoo lagu eedeynayo iney fudueeyeen weerarkii lagu qaaday hotel SYL bishii Janaayo ee sanadkaan 2015.

Warar muhiim ah oo warbaahintu heshay ayaa tibaaxaya in dowladdu waraaqo xiritaan u jartay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Nabadsugidda iyo booliska, ilaa haatana la xiray 9 ka mid ah.

Mareeg Media ayaa ogaatay in saraakiisha la xiray uu ku jiro taliyihii hore ee qeybta gobolka Banaadir, Maxamed Cumar Madaale, Taliyaha booliska Qeybta Waliyow Cadde, Taliyaha booliska Qeybta Bari, Taliyaha Nabad Sugidda degmada Warta Nabadda, Taliyihii booliska degmada Hodon iyo kuwa kale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!