Saraakiil ka tirsan ciidanka Ilaalada waddooyinka oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa saaka lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir, Maxamed Cumar Cali ayaa xaqiijiyey in labadaas sarkaal lagu dilay meel ku dhow isgoyska Dan-wadaagaha ee degamada Wadajir.

Dableyda dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana maamulka Wadajir sheegay iney ku raadjoogaan ragii xilkaas geystay.

Sanadkii hore ayaa Alshabaab Muqdisho ku dileen dhowr ka mid ah askarta ilaalada wadooyinka oo aan markii hore la beegsan jirin.

Alshabaab ayaa ku eedeeyey askarta ilaalada waddooyinka iney culeys badan ku hayaan gaadiidka Muqdisho oo ay meel kasta ku weydiiyaan dukumiintiyo.

Mareeg Media