Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay oo booqatay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa Mareeb

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb ee ah xarunta rasmiga ah ee maamul goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiishan ay u tageen magaalada Dhuusomareeb si ay qiimeyn ugu sameeyaan garoonka diyaaradaha magaaladaas.

Waa markii ugu horeysay ee saraakiil ka socota Qaramada Midoobay ay booqdeen magaalada Dhuusamareeb dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaana booqashada wafdigan ay ku timid kadib markii maamulka Ahlu Sunna uu heshiis la gaaray maamulka dowlad goboleedka Galmudug.

Xubnahan ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kula kulmeen garoonka Diyaaradaha Dhuusa Mareeb mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca iyagoo ka wada hadlay dhismaha garoonka oo u xayirnaa khilaafka Ahlusuna kala dhaxeeyay Maamulka Galmudug.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245