Saraakiil ka socota Midowga Yurub iyo Amisom oo la kulmay Shariif Xasan

Mareeg.com: Ssaraakiil ka socota Midowga Yurub iyo ciidamada AMISOM oo ay hormuud u ahayd Lydia Wanyote, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha maamulka Koonfur Galdeeb ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadam.

madaxweanaha

Shirkan laba geesoodka ah ayaa waxaa loogu wada hadlay arrimo muhiim u ah dadka iyo deegaanka Koonfur-galbeed, waxaana diiradda lagu saaray kulanka qaabkii ciidamada Koonfur-galbeed qaybahooda kala duwan loo tayayn lahaa.

Qodobada kulanka looga hadlay ayaa tababaro, qalabeyn iyo tayeynta ciidanka maamulka, waxaa kaloo laga wada-hadlay qaabkii maamulka uu u yeelan lahaa xafiisyo qalabeysan iyo dhameystirka golaha wasiirrada iyo laamaha kale ee Koonfur-galbeed.

Waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa dhamaantood maanta la xiray iyadoo la filayo in uu yimaada safiirka turkiga Somalia u fadhiya oo la filayo inuu manta gaaro Baydhabo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245