Saraakiil ka socota booliska Soomaaliya iyo Amisom oo tegay Jowhar (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saraakiil ka socota booliska Soomaaliya iyo Amisom oo tegay Jowhar (Sawirro)

Mareeg.com: Saraakiil sarsare oo ka socota booliska Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay booqasho ku tegay degmada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa wafdiga hogaaminayey taliyaha ciidamada booliska AMISOM ee ku sugan Sopomaaliya, Anand Pillay iyo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya, Jen. Cusmaan Gas-gas, waxaana sidoo kale wafdiga ka mid ahaaa saraakiil ka socotay labada boolis ee Soomaaliya iyo Amisom.

AMISOM Pol2

Booqashada wafdigaan ayaa waxey ku saleysan tahay u kuurgelidda xaaladda amaan ee degmada Jowhar, sida uu sheegay taliyaha AMISOM, Anand Pillay.

Taliyahaa ayaa sidoo kale sheegay iney doonayaan in ciidamo boolis ah oo ka socda AMISOM la geeyo degmada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga ka socday booliska Soomaaliya iyo AMISOM ee tegay Jowhar ayaa la kulmay mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada Jowhar, sida kusimaha gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Cali Cusmaan Ibrahim, gudoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Amiin Cusmaan Xaaji, gudoomiyaha degmada Mahadaay, Shariif Abuukar iyo mas’uuliyiin kale.

AMISOM POL 4

Saraakiisha ka socota AMISOM iyo dowladda ayaa socod ku maray qaar ka mid ah wadooyinka Jowhar si ay indhahooda ugu arkaan xaaladda amaan ee degmada. Waxey sidoo kale booqdeen saldhiga booliska Jowhar iyo Xarrunta qeybta booliska Shabeellaha Dhexe.

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Cali Cusmaan Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mauulka gobolka iyo wafdiga ka tegay Muqdisho ay isku afgarteen in dayactir lagu sameeyo saldhiga booliska Jowhar iyo qeybta booliska Shabeellaha Dhexe ee isla magaalada Jowhar.

AMISOM POL 3

Magaalada Jowhar ayaa aha magaalo yara ka degan magaalooyinka la midka ah ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!