Mareeg.com: Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney todobaadkaan gacanta ku dhigtay 9 sarkaal oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo laga qabtay Muqdisho, xilli baaritaano la sameynayey.
Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen ilaa 6 gaari oo ay leeyihiin Alshabaab, oo qaarkood lagu soo xiray walxaha qarxa.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdilweli oo warbaahinta kula hadlay Mqudisho ayaa sheegay in raga Alshabaabka ee la qabtay yihiin kuwa la garanayo, islamarkaana lasoo taagi doono maxkamad.
“124 dad Soomaaliyeed ah oo qabtay waxaa laga dhex helay 9 ka tirsan Alshabaab oo la yaqaano, waxaana lasoo taagi doonaa maxkamad” ayuu Riwdaan Xaaji u sheegay warbaahinta.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa yiri “146 gaari oo la baaray waxaa laga dhex helay 6 ay leeyihiin Alshabaab, sidoo kale waxaa la qabtay ilaa 5 qori iyo bastoolado”.
Inkastoo dowladda Soomaaliya mar kasta sheegto iney qabatay Alshabaab badan ama fashilsay qaraxyo ay ururkaasi abaabulayeen, hadana waxaa weli caasimadda ka dhaca qaraxyo mararka qaar lagu hoobto.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.