Madaxii hore ee Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Soomaaliya u matalaya shir looga hadlayo Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada Qaarada Afrika, kaasoo maanta ka furmaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Shir madaxeedkan oo socon doona labo maalin ayaa ka koobnaan doona khudbado iyo fikir isku darsasho, iyadoo la eegayo dhinac waliba oo Qaaradda Afrika ku saabsan oo ay ku jirto difaaca, iyo qeybaha ammaanka Qaaradda.
Marka la eego qaabka ay u socdaan colaadaha iyo qataraha is daba jooga ah ee ku hor-gudban wadamada Afrika waxay u baahan yihiin xal cusub iyo fikiro badan oo gacan ka geysan kara jawaab loo dhan yahay.
Shirkan oo ah kii labaad ee golaha ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada Afrika ee sanadkan 2015 waxaa uu eegi doonaa qatarada ugu dhaw ee saameynaya dowladaha afrika iyo dadkooda.
Sanbaloolshe oo ka mid ah dadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galkiisa shirkan ka dhacaya London waxaa uu bixinayaa calaamad muujinaya suurta galnimada in loo magacaabo xilka Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, inkastoo uu ku jiray liiska dadkii horay loo diiday ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ka saaray Golihiisa Wasiirada ee 20-ka xubnood.