Sanadguuradii 72-aad ee SYL oo maanta Soomaaliya laga xusayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sanadguuradii 72-aad ee SYL oo maanta Soomaaliya laga xusayo

Mareeg.com: Waxaa maanta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobollada dalka laga xusayaa munaasabadda malinta 15 May oo ku beegaan markii 72 sano ka hor la aasaay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobanimo doonka ee SYL.

SYL

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Maalmahanba ku howlanayd diyaarinta Munaasabadda weyn oo lagu sanadguuradii 72 aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii ururka SYL.

Maxamed C/laahi Xassan Nuur oo ah wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumada Soomaaliya oo ka hadlay ahmiyadda maalintaan ay u leedahay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay tahay maalin la oran karo inuu bidhaamay iftiinkii ifafaalaha nabada Soomaaliya, wuxuuna Wasiirka Hambalyo u diray dhalinta Soomaaliyeed.

Ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ururro kale oo dhallinyaro ayaa dhankooda wada qaban qaabo xooggan oo lagu weyneynayo maalinta 15-ka May.

Qaar ka mid ah Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa tagi doonta goobaha taariikiga ah ee lagu xusuusto 13-kii dhalinyaro ee u soo halgantay neecawda xornimo ee aan maanta heysano.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!