Sanadguuradii 54-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo maanta la xusayo

Muqdisho – Mareeg.com: Maanta oo ah 12-ka April waxaa dalka Soomaaliya laga xusayaa maalinta ciidamada xooga dalka Soomaaliya, waxaana Muqdisho iyo magaalooyin ka socda qabanqaabada munaasabado lagu xusayo maalintaas.

Amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, waxaana lagu wadaa in munaasabaadda ugu weyn lagu qabto Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgelayaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, xuska sanad guurada 54-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa lagu qabanayaa lagaalooyinka Baledweyne, Kismaayo iyo meelo kale.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Indhaqarshe ayaa hambalyo u diray dhamaan ciidamada iyo qoysaskooda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245