Sanadguuradii 45-aad ee ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusay (Sawirro)

Mareeg.com: Munaasabad lagu maamuusayay 45-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadaas ayaa Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed ku ammaaney sida ay uga soo dhalaaleen hawsha adag ee loo xilsaarey ee dhinacyada difaaca, dhaqancelinta iyo barbaarinta.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabadda xuska sannadguuradii 45-aad ee ka soo wareegtey aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtey Xarunta Taliska Ciidammada Asluubta ee magaalada Muqdisho, isagoo hambalyo ku aaddan xuskaasi u direy madaxda, saraakiisha iyo qeybaha kala duwan ee ciidammadaasi.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Asluubta ay sannadba sannadka ka dambeeya sameynayaan horumar la taaban karo, “Ciidanka Asluubta waxay qeyb ka yihiin ciidammada qaran ee aan leenahay ee aan ku faanno. Waxay si xilkasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkooda, iyagoon helin taageero ku filan oo ay hawshooda ku gutaan, is-xilqaankooda ayaa keenay in maanta ay halkan ku soo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo tababarey oo diyaar u ah gudashada waajibaadkooda, iyo weliba inay awoodeen inay iibsadaan gawaari cusub oo shaqada ciidammada lagu fuliyo. Waa talaabo ku dayasho mudan oo aan filayo in qeybaha kale ee ciidammada ay ku dayan doonaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda intii karaankeeda ay taageero buuxda oo dhan kasta ah u fidin doonto Ciidammada Asluubta.

Waxaa uu madaxweynaha intaa ku darey inuu rajeynayo in mustaqbalka dhow ay Ciidammada Asluubta dib u hawlgelin doonaan mashaariicdii horey looga bartey sida warshadaha wax soo saarka, beeraha, xarrumaha agoonta iyo kuwo kale.

Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ka cowda inuusan helin tashiilaadka ay helaan ciidamada kale ee dalka ka shaqeeya, waxaana shaqadooda ku garab siiyaa ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245