Sanad guuradii 90-aad ee aasaaska Jamhuuriyada Turkiga oo lagu xusay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sanad guuradii 90-aad ee aasaaska Jamhuuriyada Turkiga oo lagu xusay Muqdisho

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu furay shirka dhisidda maamul u sameynta saddexda gobol ee Koonfur Galbeed ee dalka ayaa ka qeyb galay xuska 91-guurada ka soo wareegtay aas aaska Jamhuuriyadda Dalka Turkiga, kaasi oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Danjire Olgan Bekar oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Turkiga ay soo martay marxalado kala duwan, isagoo mahadcelin u jeediyay Madaxda dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha soo xiray xafladda ayaa ka hadlay booqashii taariikhiga ahayd ee uu dalka ku yimid sanadkii 2011-ka Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo xilligaasi ahaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga, waxaana uu Madaxweyne Xasan sheegay in dowladda Turkiga ay dalka ka waddo mashaariic horumarineed.

Sanadkii 1923-kii ayay ahayd markii la unkay Jamhuuriyadda Dalka Turkiga, iyadoo wixii xilligaasi ka horeeyay uu dalka Turkiga ahaa boqortooyada Cusmaaniniinta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!