Samantha Lewthwaite oo Soomaaliya uga wareegtay Suuriya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Samantha Lewthwaite oo Soomaaliya uga wareegtay Suuriya

Mareeg.com: Sirdoonka dalka Britain ayaa ayaa aamisan in Samantha Lewthwaite oo loogu yeero “Carmalka Cad” ay ku biirtay kooxda ISIS iminkana ay ka barbar dagaalameesa kooxdaaasi gudaha Syria, sidaas waxaa qoray wargeyska Daily Star ee wadanka Britain.

Haweeneydan Britain kasoo jeeda ayaa la’aamisan yahay in ay wado qorsho ku aadan tababarka haween loo diyaarinayo in ay is qarxiyaan oo gudaha wadanka Syria lagu tababarayo.

Lewthwaite, oo 30 sano jir ah, ayaa ISIS waxaa looga dhax yaqaanaa “Haweeneedii Muhiimka Ahayd” sida sirdoonka England laga soo xiganayo.

Haweenadan carmalka cad loo yaqaano ayaa masul ka ah tababarka hablo Britain ah oo isku badalay Islam kana barbar dagaalama kooxda ISIS.

Samantha ayaa horay usoo guursatay Germainee Lindsay oo kamid ahaa afar ruux oo isku qarxiyay gudaha magaalada London sanadkii 2005 halkaasoo ay kudhinteen 52 ruux.

Sidoo kale Samantha ayaa kasoo barbar dagaalantay ururka Al-shabab ee dalka Soomaaliya iyadoo hogaamineesay weerarkii Al-shabab ku qaadeen Westgate Mall ee Kenya 21, September 2014.

Wargeyska ayaa ku qeexaya Ms Smantha in ay tahay haweeneeda ugu qatarta badan caalamka ayna doon doonayaan wadamo dhowr ah. Gabadhan ayaa la sheegay iney leedahay xeelado badan oo ay ku safri karto.

Bishii May ee sanadkaan waxaa warbaahinta reer galbeedku baahiyeen in Samantha Lewthwaite ay Soomaaliya ku guursatay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab, laguna magacaabo Sheekh Xasan.

Bishii June, dowladda Kenya ayaa baaritaan ku bilowday warar soo baxay oo sheegaya in Ms Smantha oo ka mid ah dadka sida weyn loo doondoonaya oo looga shakisan yahay argegixisinimo lagu arkay magaalada Lamu bishii April ee sanadkan.

Xilligaas waxaa soo baxay shaki ah in Samantha Lewthwaite in boliiska Kenya ay geeyeen xadka Soomaaliya, iyagoo u heysta iney tahay shaqaale UN.

Gabarta ay qaadeen booliska ayaa sida wararku sheegeen sheegtay inay la shaqeyso Qaramada Midoobay, waxaana boliisku geeyeen xadka balse shaqaalaha waaxda socdaalka ayaa diiday inay xadka ka talaabto oo ay gaarto xero militari oo ay Kenyaanku leeyihiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!