
Muqdisho ( Mareeg News ) War kasoo baxay al-Shabaab ayaa waxaa goordhow lagu sheegay in duqeyn Hoobiyayaal ah ay Saaka la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay duleedka Magaalada Muqdisho.
Alshabaab ayaa sheegtay in dhowr Hoobiyayaal ah ay ku garaaceen Saldhiga oo lagu tababaro ciidamo ka tirsan dowlada Somalia, isla markaana ay ku sugan yihiin Saraakiil Turki ah.
al-Shabaab waxa ay sheegtay in tirada Hoobiyayaasha ay ku dhufteen Saldhiga ay tahay ilaa 13 Hoobiye.
Waxeeyna sheegeen in Hoobiyayaasha ay ku tuureen Saldhiga xilli heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro, waxa ayna tilmaameen in dhowr xabo ay ku dhacday gudaha Saldhiga.
dadka deegaanka ayaa sheegay in Saaka xili hore ay maqlaayeen jugta Hoobiyayaasha dhowr ah, inkastoo ay sheegeen in xiligaa Aysan ogeyn halka ay duqeynta ku soctay.
Ma cadda Khasaaraha ka dhashay duqeynta waxaana sidoo kale duqeynta aan weli ka hadal Dowladaa Federaalka iyo Saraakiisha maamusha Saldhiga.