Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde oo la hoos geeyay Taliska G/Banaadir

Read Time:37 Second

Taliska Ciidanka Booliska dowoladda Soomaaliyeed ayaa shaaciyay wareegtada Saldhigga Booliska Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu hoos geeyay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Wareegtada oo ku taariikheysan 18 bishii hore ee Maarso ayaa maanta la shaaciyay, kaddib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed lasoo saaray Wareegtada.

Saldhigga Booliska Garoonka diyaaradaha ayaa ahaa mid madax bannaan, waxaana in xilligan la hoos geeyo Taliska qeybta Guud ee uu xukumo Jen. Saadaq Joon loo arkaa mid lagu soo beegay xilli xasaasi ah oo xaalad cakiran ka taagan tahay doorashada.

Garoonka diyaaradaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo ay xerada xalane degan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalena Xarunta Afisyooni uu ka furmay shir u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.