Saldhig ciidanka dowladda oo weerar culus iska caabiyay — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saldhig ciidanka dowladda oo weerar culus iska caabiyay

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Daynuunaay, kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo la sheegayo inuu ku bilowday qarax, waxaana ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha Shabaab dhex maray dagaal saacad qaatay oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka, waxaana baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu qoray inay cagta mariyeen saldhigga ciidamada dowladda, lana wareegeen saanado hub.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, iyadoo rasaas culus laga maqlayay deegaanka goor sii horeysay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Daynuunay oo ay saldhig ku lahaayeen Ciidamada dowladda.

Deegaanka Daynuunay ayaa qiyaastii 25KM kaga beegan magaalada Baydhabo, waxaana weerarka saaka lagu qaaday deegaankaas uu ku soo beegamayaa, maalin kaddib markii lagu soo gabagabeeyay Baydhabo shirkii Golaha Amniga Qaranka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!