Salaamu Laahi Sanbaloolshe “Danyar iyo Dacasley Allaa u Maqan”

Read Time:1 Minute, 21 Second

“Taliye Tikidkaan waa kuu ku dhoofayaa ee Fadlan safarka ha iga baajin ee i siidaa” sidaa waxaa ku Cataabey Hooyo Soomaaliyeed oo dooneysa in ay Dhoofto oo saakey Taagneyd Agagaarka isbitaal Banaadir ka dib markii ay ku timid Wadada oo Xiran hadaba maxaa loogu jawaabey.

“ Islaan yahay Tikidka inta Jeex Jeexdid oo biya ku darsatid Liq oo Caloosha geey “ inta gaarigii ka deg degtey iyada iyo Boorsadii ay wadatey ayey Lugta Furtey Boorshadiina Dhabarka u riday waxayna Habaar ku Tuurtey Ciidankii sidaan u galey.

Waxaa iyana Goobta soo istaagey Hooyo Xaamilo ah oo uu muuqdo Uurkeeda waxay damacdey in ay Gudubto si ay u gaarto Isbitaalkii ay u socotey hadaba maxaa loogu jawaabey iyadana “ Hooyo Amar uma qabo in aan ku sii daayo ee iska lugeey” Markiiba inta la garab galey ayey loo dhaqaajiyey Isbitaalkii ay u socotey waxayna Tiri “Danyar iyo Dacasley Allaa u maqan” waayo qofkii Gaari Bullet-Proof wata waa la sii deynayaa

Waxaan soo xasuustey Qisadii Xujaaj Bin Yusuf oo dadka aad u dhibi jirey , maalinkii uu dhintey ayaa Waxaa Xukunkii qabsadey Wiilkiisa , dadka waxay islahaayeen waa ka reysan doontaan hase yeeshee maxaa Dhacay,Wiilkii Aabhii waa uu ka Darnaadey waxayna Dadkii yiraahdeen “ Salaamulaahi Xujaaj” Sow Sheekada uma eka “Salaamulaahi Sanbaloolshe” Dadka waxay filayey in uu isbedel la yimaadaan Taliyayaasha magacaabey ee Nabad Sugid iyo Boolis “ Ka Daroo Dibi Dhal” hase yeeshee sow ma aha mid Bulshada looga sii darey.

Dadka qaar ayaa waxay leeyiin arintaan Jidadka Xiran in ay tahay mid lagu Xumeynayo Madaxda Qaran waayo muddo Sadex Maalin ah ayaa Jidadka Xiran yihiin weliba iyadoo Xiligu Kuleyl yahay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %