Salaad Roob Doon Ah Oo Maanta Laga Tukaday Muqdisho

Read Time:37 Second

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya laga tukaday salaad roob doon ah oo boqolaal qof ay ku dukadeen Masaajidka Isbaheysiga.

Dukashada Salaada roob doonka ah ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada diinta iyo Awqaafta, Maamulka gobolka Banaadir Arday iyo Macalimiin ka socday dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee Muqdisho.

Tukashada salaada roob doonka ah ka dib ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeyb gashay tukashada salaada ayagoo Alle ka baryay in shacabka ku nool Gobolada dalka uu ka dulqaado abaarta saameysay.

Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheere oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay faa’iidada ay leedahay Salaada roob doonka ah iyo waxa looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %