Safiiro la magacaabay & safaarado dib loo furayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safiiro la magacaabay & safaarado dib loo furayo

Mareeg.com: Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay magacaawday 5 danjire oo cusub, iyadoo danjirayaal hore xilalka laga qaaday.

Sidoo kale, xukumadda ayaa shirka khamiis laha ah ku go’aamiyey in dib loo furo qaar ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ku laheyd dalalka aduunka oo ay horay u xirtay xukuumadda R/wasaare C/weli Sheekh.

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya, Maxamed Hadliye Cumar ayaa golaha wasiirrada hordhigay talo soo jeedinta shan safiir oo cusub kuwaas oo goluhu dood dheer ka dib ay ansixiyeen in la magaacbo danjirayaal:

Danjirayaasha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah:-

1. Jamaal Xasan
2. Jamaal Maxamed Barow
3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
5. Daahir Maxamuud Geele.

Jamaal Xassan waxaa la sheegay in loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhin doona Kenya, iyadoo lagu badelay Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo muddo dheer xilkaas hayey.

Qoraalka kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada laguma sheegin dalalka shntaan safiir ay u kala fariisan doonaan Soomaaliya.

Safaaradaha Golaha Wasiiradu isku raaceen in dib loo furo ayaa kala ah: Safaaradaha Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi iyo in dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!