Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Mareykanka oo geeriyooday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safiirkii hore ee Soomaaliya ee Mareykanka oo geeriyooday

Allaah ha u naxariistee waxaa Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Safiirkii horey ee Soomaaliay u fadhiyey dalka Mareykanka Cabdikariin Cali Cumar.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuum Cabdikariin uu ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla Magaalada Columbus, isagoo la xaqiijiyay in xanuunkii haayay uu xalay u geeriyooday.

Cabdikariin Cali Cumar ayaa waxaa uu ahaa Safiirkii ugu dambeeyay ee dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u fadhiyay dalka Mareykanka, wuxuuna kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Marxuum Cabdikariin ayaa ahaa hadda ahaa Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2021, isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka diblumaasiyadda Soomaaliya aqoonta iyo xirfadda dheer u lahaa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.