Safiirka UK U Qaabilsan Soomaaliya David Concar Oo La Kulmay Madaxweyne Muuse Biixi + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safiirka UK U Qaabilsan Soomaaliya David Concar Oo La Kulmay Madaxweyne Muuse Biixi + Sawirro

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda hargeysa ee caasimadda Somali-land isagoona noqday  diblomaasigii u horeeyay ee reer galbeedka ka socda oo booqda Somali-land.

Danjire David Concar ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi cabdi, waxaa uu ammaanay sida nabadda iyo dimoqraadiga leh ee ay u dhacday doorashada.

David Concar ayaa sheegay in in si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, sidoo kale waxaa uu xusay in UK ay sii wadi doonto wada shaqeynta adag ee ay la leedahay shacabka Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ka mahadceliyay booqashada Safiirka ugu yimid iyo doorka saaxibtinimo ee dowladda UK la leedahay Somaliland, waxaa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac u dhaxeeya.

Dowladda UK ayaa si dhow ula socotay doorashada Somaliland, sidoo kalena taageero dhow la garab taagneyd Guddiga doorashada Somaliland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!