Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo booqasho ku tegay Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo booqasho ku tegay Garowe

Mareeg.com: Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarrunta maamulka Puntlnad.

Wafdiga Safiirka oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim Camey, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne.

Wafdiga safiirka ayaa booqasho kala duwan ku tagey Xarunta Agoonta, Isbitaalka Garoowe iyo Dugsiga Sare ee Gambool iyagoo goobahaas kula kulamay masuuliyiinta maamusha.

Wafdiga Safiirka ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas iyagoo ka wada hadlay qodobo kala duwan oo la xiriira horinta mashaariicda Turkiga uu ka fuliyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga mahadceliyey booqashada uu ku soo gaaray isagoo ku soo dhaweeyey Puntland.

Maamulka Puntland ayaa mar kasta ku dooda in deeqaha dalalka caalamku ugu talagaleen Soomaaliya loo badiyo koonfurta dalka, waxaana inta badan wakiilada caalamka ee jooga tagaan Garowe.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!