Safiirka Turkiga U Fadhiya Soomaaliya Oo Wadahadal La Leh Maamulka Somaliland

Hargeysa, Mareeg.com: Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Cemalettin Kanu Turan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ganacsato ah ayaa shalay galab gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa Somaliland joogi doona muddo afar cisho ah, isla markaana soo booqan doono magaalooyin ka mid ah Somaliland. Sidoo kale, waxa safiirku la kulmi doonaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan wasiiradda.

Safiirka Turkiga oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegay in Turkigu sii wadayo martigelinta wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo Turkigu martigaliyey.

“Ujeedada socdaalkayga waxaa ka mid ah sidii loo sii wadi lahaa wada hadaladii dalkayga Turkigu marti-gelinayay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland” ayuu yiri Cemalettin Kanu Turan.

Danire Cemalettin Kanu Turan iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa sheegay iney jiraan arrimiso siyaasadeed, hase ahaatee ay go’antahay iney sii wadaan martigelinta wada xaajiidka labada dhinac.

“Inkasta oo ay jirraan mawduucyo siyaasiya haddana waxaan rajaynaynaa in la sii wadi doono wada hadaladan,”ayuu yiri Danjiraha Turkiga Cemalettin Kanu Turan.

Booqashada safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kanu Turan ayaa kusoo begantay xilli todobaadkii hore wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancadde oo ku eedeeyey dowladda Soomaaliya iney qalalaase ka abuureysa deeganadooda, taasoo ay beeneysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg.com