Mareeg.com: Wafdi Turki ah oo uu hogaaminayo danjiraha dalkaas u fadhiya Soomaaliya, Amb. Olgan Bekar ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose.
Wafdiga safiirka waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, Cabdulqaadir Luga-dheere, Wasiiro ka tirsan maamulka, iyo Masuuliyiinta gobolka Jubbada Hoose.
Wafdiga ayaa loo gudbiyey xarunta Madaxtooyada maamulka Jubbaland, isagoo halkaas kula kulmay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Wax badan laga garanayo waxyaabaha ay ka wada hadlayaan labada dhinac, laakiin waxaa la ogyahay in Turkigu uu ballaarinaayo mashaariicda uu dalka ka wado.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.