Mareeg.com: Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Olgan Bekar ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida uu xaqiijiyey wasiirka macdanta iyo biyaha ee maamulka Koonfur-galbeed, Aadan Xasan.
Waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Kooofur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirro ka tirsan maamulkaas iyo qeybaha bulshada.
Danjiraha ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka Koonfur-galbeed oo ay ka wadahadli doonaan mashaariicda uu Turkigu ka fulinayo Soomaaliya iyo sidii gobollada hoos taga maamulkaas loo gaarsiin lahaa.
Ujeedada safarka Muungaab ee dalka Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda Dowladda hoose ee Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uu kala soo hadli doono mashaariicda dib udhiska ee Turkiga ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.