Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo booqday Xabsi Maxaabiis Soomaaliyeed ay ku jiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo booqday Xabsi Maxaabiis Soomaaliyeed ay ku jiraan

Mombassa ( Mareeg)-100 Qof oo Soomaali ah ayaa Dhibaato dhanka Nolosha ah ku haysata Xabsi ku yaalla Magaalada Mombassa ee dalka Kenya, kuwaasi oo loo haysto Mudo dheer denbiyo la xariira Burcad-badeednimo.

Maxaabiistan oo ku jira Xabsiga Shimo La Tewa ayaa waxaa booqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxa’ed, wuxuuna sheegay in Xaaladda ay Maxaabiistaasi ku nool yihiin inay tahay mid adag, islamarkaana ay u baahan yihiin in la caawiyo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxa’ed  iyo Saraakiil kale, ayaa u geeyay Maxaabiista dhar iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen xilli uu booqasho ugu tagay Maalintii Ciida Xabsiga ay ku xiran yihiin ee Shimo La Tewa.

Diblomaasiyiinta ayaa ka niyad jabay Xaaladda Maxaabiistan Soomaaliyeed ee ku xiran Magaalada Mombasa, waxaana ay u balan qaadeen inay samayn doonaan Dadaallo ay kusoo dayn doonaan.

Maxaabiista ayaa ka codsaday safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Maxa’ed  in loosoo wareejiyo Xabsiyada dalka Soomaaliya, si ay waqtiga ugu haray Xukunkooda ugu dhamaystaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!