Read Time:1 Minute, 18 Second
Mareeg.com: Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland gaaray wefti balaaran oo uu hogaaminayo Safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Dalka Soomaaliya, Mohamed Al-Cutmani, weftigaas oo markii ay soo gaareen magaalada Garoowe loo gelbiyey qasriga madaxtooyada ee Puntland,
Ayaa waxaa gegida diyaarahada ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland, saraakil katirsan madaxtooyada Puntland iyo sidookale masuuliyiin kale.
Kadib markii ay soo gaareen qasriga madaxtooyada ayaa safiirka iyo wafdiga la socday waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halkaasi oo kullan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Dawladda Puntland safiirka dawlada Emaardka carabta ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka dawlada Emaaraadka ayaa kulankoodii kadib waxaa ay si wada jir ah uqabteen war murtiyeed ay kaga waramayaan waxyaabihii ay kawada hadleen.
“Waxaa farxad weyn noo ah in maanta uu noo yimaado safiirka dawladda imaaraadka u fadhiya soomaaliya Ambassador Mohamed Al-Cutmani iyo saaxibadiis oo noogu yimi in aanu ka wada hadalno xiriirka Puntland iyo imaaraadka iyo fulinta mashaariic badan oo Puntland laga hirgelinayo”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Ambassador Mohamed Al-Cutmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loogu sameeyay Puntland, isagoona sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan Puntland uga fulinayaan mashaariic horumarineed oo ay sanadkan cusub ee 2015 ugu talagaleen Puntland.
Xiriirka saaxiibtinimo ee hada u dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayaa hada waxaa uu maraya meeshii ugu saraysay, waxaana arrintaasi si weyn uga shaqeeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u heelan horumarinta Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %