Safiirka Imaaraadka Carabta oo tegay Kismaayo

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Ahmed Othman ayaa maanta gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Danjire Mohamed iyo wafdigiisa ayaa kulamo waxay la qaateen hoggaamiyaha maamulka KMG Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Ujeeddada wafdiga ayaa la xiriirta fulinta mashaariic horumarineed oo laga sameeyo deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubba iyo  iskaashi dhex mara labada dhinac.

Kulanka oo saxaafadda ay dibad joog ka tahay ayaa iminka ka socda xarunta madaxtooyada, iyadoo la filayo in marka uu soo idlaado kulan ay saxaafadda si wada-jir ah ula hadlaan labada dhinac.

Booqashada wafdiga ayaa ku soo beegmaysa xili shalay ay degamada Kismaayo gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay.