Mareeg Media
Somalia

Safiirka Britain oo gaaray Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta Magaalda Baydhabo waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada Mas’uul ayaa kulan gaar ah waxa ay ku wada yeesheen Xarunta Madaxtooyda Koonfur galbeed,iyaga oo ka hadlay arrimaha Siyaasda,Amniga iyo abaaro la sheegay inay deegaano ka tirsan gobolkaas ka jiraan.

Sidoo kale Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii dowladda Ingiriiska ay Maamulka Koonfur Galbeed uga caawin lahaayeen dhinacyo badan.

Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa shalay tegay Magaalda Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,isaga oo kulan gaar ah la soo qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!