Safiirada Soomaaliya ee Geneva oo laga gudoomey Warqad aan sharci aheyn+Cadeymo iyo Sawirro

Read Time:1 Minute, 42 Second

Safiirad, Ebyan Salah Mohamed oo Soomaaliya ugu howl gasha Geneva, ayaa maanta geeysey Vienna, Austria Warqada Safiirnimo in ay tahey Ergeyada Joogtada ee Veinna, Austria.

Warqadda Safiiradda laga gudoomay  waxaa ku saxiixan Wasiirkii hore Arrimaha Dibada, Mudane Abdisaid Muse Ali oo shaqada laga joojiyey arrimo la xiriira Musuqmaasuq.

Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya Warqadda Safiirka waxaa saxiixa Madaxweynaha Jamuurayada Federaalka  marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, ama hadii uu isaga go’aansado in uu magacaabo Safiir.

Wasiir Cabdisaciid iyo Safiirad Ebyan ayaa ka dhuuntay hanaankaas iyagoo qaaday wado aan sharci aheyn waxaana xusid mudan in Warqadeedii Safiirnimo soo saxiixey Madaxweynihii hore Mohamed Abdullahi Farmaajo, taas oo ah dastuuriyan ayna muhiim tahey in la maro.

Hadaba:  Maxaa la gudboon Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Waxyaabaha waa weyn ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh tiirarka u ah waxaa kamid ah isla xisaabtan iyo waliba ilaalinta dastuurka sida dhowr jeer uu ku celceliyay madaxweynaha iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub.

Soomaaliya ayey sharaf dhac u tahay in qof ku xad dubay shuruucda dalka iyo dastuurka inuu dalka matalo taa oo dhaawac ku ah sharafta Soomaaliya.

Waxaa la gudboon dowladda in  24 saac dalka ugu soo laabato Safiirad Ebyan Salah, si wax loogu weydiiyo sharci iska dhagatirka ay ku dhaqaaqdey iyo in  Dowlada ay furto baaris ku aadan sida ay ku dhacdey arrintaan.

Midda kale, Safiirad Ebyan Salah ayaa ah safiirad ilaa 17 sano ku dhow,  Waxaa Safiirad Ebyan Salah soo Magacaabey Allah u naxaristee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Abdullahi Yusuf, weli ma dhicin waxeyna dalka safiir u tahay  17 Sano, sida caadiga ah 10 Sano marku Safiirka gaaro waxey Dalalka caalamka ku soo xareeyaan dalkiisa si uu wax u baro da’da soo koreysa ee raba in ay noqdaan diblomaasiin mustaqbalka.

Waa Warqadda uu Cabdisaciid ku magacaabay safiirada Ebyan ee uu soo saaray markii shaqada laga joojiyay.
Warqadan wuxuu Cabdisaciid ku ogeysiinayaa Qaramada Midoobay xilka uu Ebyan u magacaabay.
Waa Ebyan oo waraaqaheeda sharci darrada ah u geysay safiirada Qaramada Midoobay.

Noogu soo dir fikirkaaga: Abdiazizh99@gmail.com

Mogadishu-Somalia

Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %