Safarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Ee Talyaaniga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safarka Taliyaha Ciidanka Boliiska Ee Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay booqashada uu ku jooga dalka Talyaaniga, isagoo sheegay kaddib markii casuumaad ay ka heleen dowladda Talyaaniga ay ka dambeysay howlaha halkaasi ay u joogaan.

Taliyaha ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Cabiniyeerka dalka ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Xaaladda Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed iyo sida loogu baahanyahay horumarinta Ciidanka oo ay ugu horeyso in la tayeeyo lana qalabeeyo ciidamada, isagoo xusay in saraakiishii ee kulanka wada qaateen ay soo dhaweeyeen arrinkaasi.

“Waxaan ka codsanay Dowladda Talyaaniga in leyli saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  ay fursad u helaan in jaamacadaha wadankaasi ay ku qaataan kuliyadaha quseeya ciidamada oo markii horeba Talyaaniga uu siin jiray Soomaaliya” Ayuu Yiri Taliye Xaamud.

Dhinaca Kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sii hadlay ayaa ka waramay Amniga Caasimada Muqdisho oo uu sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo argagaxisada meel wanaagsana ay marayaan, isagoo dul istaagay horumarka laga gaari karo xasilinta amniga dalka in ay tahay qof kasta uu ka shaqeeyo ilaalinta amniga uuna la wadaagaa Ciidamada Ammaanka wax walba oo amniga wax u dhimaya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!