Safaaradihii dalalka reer galbeedka oo isaga cararay Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safaaradihii dalalka reer galbeedka oo isaga cararay Yemen

Mareeg.com: Dalalka Mareykanka, Faransiiska iyo Britain ayaa albaabada u laabaya safaaradahooda dalka Yemen sababo la xiriira ammaanka, kaddib markii fallaagada shiicada ah ee Xuutiyiinta ay la wareegeen magaalada Sanca.

Waaxda arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta mareykanka ee ku sugnaa dalkaasi Yemen lagu daadgureeyay diyaarad khaas ah oo laga leeyahay dalka Cumaan, waxa ayna xaqiijisay in baabuurtoodii sida la sheegay ay la wareegeen fallaagada xuutiyiinta.

Saraakiisha garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in fallaagadu ay sidoo kale qaateen hubkii ku jiray baabuurtaasi.

Waaxda arrimaha dibadda mareykanka ayaa intaasi ku dartay in hubkii waaweynaa ee halkaasi yiilay la burburiyay ka hor inta uusan billaaban hawlgalkaasi daadguraynta.

Shaqaalaha muxaliga ee safaaradda mareykanka ee Sanca ayaa sheegay in la burburiyay dukumeentiyo iyo kombitaro halkaasi yiilay.

Askar mareykan ah ayaa ku hartay gudaha dalkaasi Yemen si ay u sii wadaan hawlgalada ka dhanka ah mintidiinta al-qaacidda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More