Safaaradda Soomaaliya Ee Koonfurta Sudan Oo Raadineysa Gaadiid Laga Dhacay Soomaalida * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Safaaradda Soomaaliya Ee Koonfurta Sudan Oo Raadineysa Gaadiid Laga Dhacay Soomaalida

Juba, Mareeg.com: Safaraadda Soomaaliya ku leedahay dalka Koonfurta Sudan oo colaaddu ka taaagantahay ayaa sheegtay iney dedaal u geleyso sidoo loo raadin lahaa gaadiid laga dhacay Soomaalida ku ganacsata dalkaas.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Koonfurta Suudaan, C/raxmaan Nuur Maxamed “Diinaari” ayaa la wareegay dukumintiyo la xiriira lahaansho gaadiid ganacsato Soomaaliyeed oo baabuurtooda ay dhaceen xoogagga dowladda dalkaas kasoo horjeeda ee ku sugan ku sugan deegaanka Pariyang ee ka tirsan magaalada Bantiu ee gobolka Unity State, una dhow soohdinta ay wadaagaan Koonfurta Suudan iyo Suudaan.

Farxaan Ismaaciil Bile oo ka mid ah ganacsatada lagu haysto gaadiidkooda deegaanka Pariyang ayaa sheegay in 42 gaadiid oo isugu jira iska-rogayaal iyo booyado Soomaalidu leeyihiin ay gacanta ugu jiraan xoogagga dowladda kasoo horjeeda, isagoo intaas ku daray inay u adeegsadaan howlahooda gaarka ah.

Sidoo kale, ganacsduhu wuxuu sheegay in 80 ruux oo Soomaali ah oo gaadiidkaas ka shaqeynaayay 50 ka mid ah ay ku xayiran yihiin deegaanka lagu haysto gaadiidka, halka 30 kalena ay yimaadeen Juba, laguna celiyay magaalada Muqdisho.

Danjire Diinaari ayaa sheegay in ganacsatada uu kala wareegay dukumiintiyada lahaanshaha gaadiidka laga heysto, islamarkaana uu xiriir la sameyn doono dowladda Koonfurta Sudan.

“Dukumiintiga waan ka guddoomay ganacsatada, waxaan u howlgali doonaa sidii aan xiriir ula sameyn lahaa dowladda Koonfurta Suudaan, farxad bayna ii tahay in baaqii aan jeediyay aad kasoo jawaabteen, waxaan rajeynayaa in 42-ka gaari gacantiina lagu soo celin doono,” ayuu yiri danjire Diinaari.

Danjire Diinaaari wuxuu sheegay in safaaraddu ay ballaqaadayso in dadaal badan ay ku bixin doono sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen hantidii laga dhacay intii ay awoodi karaan.

Horay ayaa Soomaalida dalkaas looga dhacay gaadiid ay leeyihiin, iyadoo sidoo kale Soomaalida gaadiid looga heysto xadka ay wadaagaan Koonfurta Sudan iyo Itoobiya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!