Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga oo cabsi u hakisay adeegyada qunsuliyadeed

Mareeg.com: Cabsida xagga amaanka oo sii kordheysa ayaa sababtay in safaaradda Mareykanka ee ku taalla dalka Sacuudi Carabiya ay labo labo maalood oo ah maanta iyo beri joojiso dhamaan adeegyada qunsuliyadeed ee ay bixin jirtay.

Qoraal la soo dhigay barta safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga, ayaa lagu sheegay in labadaasi maalmood aanay jiri doonin wax adeeg qunsuliyadeed ah oo ay ka sameyneyso magaalooyinka Riyaadh, Jiddah iyo Dhahran.

Warbaahinta Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in khatarta cusub ee la dareemay ay tahay mid aad u halis badan, sidaas darteedna safaaraddu ku qasbanaatay in labada maalmood ee soo socda aysan ka howlgelin shaqaale badan.

Safaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadhiniinta Mareykanka ah in ay xadidaan socodkooda aan muhiimka ahayn ee gudaha Sacuudi Carabiya, ayna feejignaadaan marka ay socdaan.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqday in ay aanay isku muujin goobaha ay dadka ku badan yihiin. “Waxaa dhici karta in muwaadiniinta reer galbeedka ee Maryekanku ku jiraan la kulmaan dil ama afduub ay geysanayaan koox mintid ah” ayay tiri safaaraddu.

Safaaradda ayaa sidoo kale muwaadhiniinta Mareykanka ugu baaqday in ay asxaabtooda iyo deriskooda la socodsiiyaan halka ay u socdaan marka ay baxayaan.

Waxey safaaradda Mareykanku si weyn uga cabsi qabtaa in dadka dalkeeda ee la beegsan doono ay noqon karaan kuwa ka shaqeeya shirkada shidaalka Sacuudiga.

Sabtidii shalay ahaydna, safaaradda ayaa ka digtay in weerarro lala beegsan doono shaqaalaha reer galbeedka ah ee ka shaqeeya gobolka bari ee shidaalka qaniga ku ah.

Dhacdadii ugu dambeysay ee ay muwaadhiniin Mareykan ah wax ku noqdaan gudaha Sacuudiga, ayaa dhacday bishii October ee lasoo dhaafay, xilligaasi oo nin haysta dhalashooyinka Sacuudiga iyo Mareykanka uu dilay shaqaale Mareykanka ah, isaga oo dhaawacay mid kale.

Ninka falkaasi geystay ayaa la sheegay in uu carooday kaddib markii laga qaaday qandaraas uu ka haystay wasaaradda difaaca ee Mareykanka, kaasoo uu ka fulinayay caasimada Riyaadh.