Safaarada Jabuuti ee Muqdisho oo Xariga laga jaray

Waxaa maanta Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ay siwadajir ah xariga uga jareen Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay Magalada Muqdisho taas oo laba sana ka hor la dhigax-dhigay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumart Geelle ayaa sidoo kale waxuu u duuli doonaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM.