Sadexda Kursi Ee Ugu Sareysa Dalka Soomaaliya Oo Ay Ku Fariisteen Ilmo Sheekh

Read Time:39 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Shalay oo ku beegneyd 12/12/2013 wuxuu madaxweyne Xasan Muqdisho kaga dhawaaqay xilli galab gaaab ah R/wasaaraha cusub oo badelaya R/wasaarihii ka horreeyey ee waayey kalsoonida baarlamaanka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Mas’uulka madaxweynaha Soomaaliya ugu dhawaaqay xilkaas wuxuu 3-da mas’uul ee ugu sarreeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka dhigay “Ilmo Sheekh”.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxaa shalay soo sadaxeeyey R/wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxmed, taasoo muujineysa in 3-da mas’uul ee ugu sareeya dowladda Soomaaliya ee xilligaan yihiin Ilo Culumo.

Umadda Soomaaliyeed ayaa markaan ka dhursugaya 3-da Ilmo-sheekh oo ku fariistay 3-da kursi ee ugu sareeya Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %