San Diego, Mareeg.com: Maxkamada Magaalada San Diego ee gobolka California ee dalka Maraykanka ayaa shalay xukun ku riday 3 Soomaali ah oo mid ka mid ah ahaa Imaamka masjid ay Soomaalidu leeyihiin oo ku yaalla magaalada San Diego.
Sadexdan nin ayaa xukuno kala gedisan lagu riday, iyadoo baaritaankooda uu soo socoday illaa sanadkii 2003, waxaana raggan maxkamadeyntooda bilaabatay 2012, waxaana loo saaray guddi maxkamadooda dhageysta.
Imaamkii Masaajidka Soomaalida ee San Diego Imaam Shiikh Maxamed Khadar Maxamuud ayaa lagu xukumay 13 sano oo xariga ah, imaamka ayaa ah 41 sano jir.
Basaaly Mucalim oo ah 36 sano jir, oo ahaa Tagsiile ahaa ayaa isna lagu riday xukun culus oo ah 18 sano oo xari ah.
Ninkan ayey xeer-ilaalinta ku eedaysay inuu ahaa ninkii abaabulay Qaaraankii iyo lacagtii loo aruuriyey Al Shabaab oo gaareysay $10.900 (Toban kun iyo sagaal boqol oo dollar)
Ciise Dhooere oo ah 56 sano jir, ayaa isaguna xukun lagu riday wuxuuna mas’uulka ka ahaa Xawaalada lacagtan la mariyey, waxaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.
Xaakimka Maxkamada San Deigo Jeffrey Miller ayaa xukunka uu ku riday raggan ay ka yartahay xukunkii ay codsanaysay xeer ilaalinta Maraykanka, Xaakimka ayaa sheegay inuu xukunka u khafiifiyey raggan kadib markii uu Tixgeliyey uuna arkay codsiyada & Baaqyada uga imaanayey Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada San Deigo.
Sadexdan nin ayaa hada xabsiga lagu hayey 3 sano oo laga jari doono xukunka lagu riday, waxayna ku khasban yihiin 80% sanadaha xukunka lagu riday inay xabsiga ku jiraan.
Nimankaan la xukumay ayaa loo ogolyahay iney racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay, waxaana qareenadoodu sheegey iney racfaan u qaadanayaan maxkadda sare.
Nin kale oo 4-aad oo lala xariirinayo kiiska raggan oo isagu lagu magacaabo Axmed Naasir Tahliil, ayey maxkamadiisa weli ka socotaa degmada Ornage County, ninkan oo isaguna ahaa Tagsiile ayaa la filayaa in xukunka lagu rido bisha Janaayo ee sanadka soo socda 2014.
Mareeg.com