Mareeg.com-Saddex Tuulo ayaa lagu gubay dagaalo mar kale maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Jowhar, kaasoo sababay qasaare dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Dagaalada oo u dhaxeeya labo beelood oo wada dega Jowhar iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa salka ku haya muran dhul beereed iyo aanooyin horay u kala tirsanayeen labada beelood.
Wararka aan caawa ka heleyno deegaanda dhinaca bari ee Jowhar ayaa sheegaya in xaalada ay degan tahay, isla markaana dagaalada ay istaageen galabta casir liiqii, iyadoo roobab ay ka da’een deegaanada lagu dagaalamay.
Tuulooyinka kala ah Geeda-Barkaan, Buulo Tiyeeg iyo Timire ayaa lagu gubay dagaalka, inkastoo labada tuulo ee kala ah Buulo Tiyeeg iyo Timire ay baaba’een.
Sidoo kale Tuulada Geeda-Barkaan ayaa iyana waxaa lagu soo waramayaa in bililaqo iyo boob uu ka dhacay, isla markaana qeyb ka mid ah la gubay.
Goob joogayaal ku sugan Xaafada Buulo Sheekh ee magaalada Jowhar ayaa sheegay inay arkayeen qiic iyo uuro ka baxayay deegaanada la gubay oo waqooyi bari kaga toosan.
Ma jirto ilaa iyo hada cid kala dhex gashay labada beelood ee walaalaha ah, iyadoo ay socdaan abaabulo iyo hub uruursi ay labada dhianc wadaan.
Dagaalka labada maalmood ka socday tuulooyinka dhinaca bari ka xiga magaalada Jowhar ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20-ruux, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen