Saddex Ruux Iyo Gaari Loo Qabtay Bam Lagu Tuuray Hotel Saxafi Ee Muqdisho

Read Time:31 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Sadex ruux oo watay gaari, loona heysto iney xalay bam gacmeed ku tuureen alabaabka hore ee hotel Saxafi ee magaalada Mqudisho ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana la geeyey xarrunta dembi barista ee CID.

Weerarka bam ee lagu qaaday Hotelka Saxafi oo ku yaalla Isgoyska KM4, kana soo horjeeda CID-da ayaan geysan wax khasaare ah.

Weerarka ayaa dhacay abaarihii 8-dii fiidnimo, waxaana rag sadex ah oo gaari watay booliska iyo ilaalada hotelku u qabteen falkaas.

Weerarkan Bambaano ayaa noqonaya kii u horeeyay ee xilli habeen ah lala eegto Hotelka Saxafi oo ku yaal goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %