Saddex ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay wadada Muqdisho & Afgooye

Mareeg.com: Saddex qof ayaa ku geeriyootay, tiro kalan wey dhaawacmeen kadib markii labo bas oo yar yar saaka iskula dhaceen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Labada gaari oo sida la sheegay mid kasta ku socday xawaari sare ayaa iskula dhacay deegaanka Calmada oo u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo Lafoole.

Gaariga ka yimid Afgooye ee ku socday Muqdisho ayaa la sheegay inuu siday dad shaqaale ah, halka kan ka yimid Muqdisho uu siday ganacsatada khudaarat, kuwaasoo kusii jeeday Afgooye.

Mid ka mid ah saddexda shilka ku dhimatay ayaa midkooda goobta ku dhintay, halka labada kale oo dhaawac lagu qaaday meydkooda la geeyey Isbitaalka Madiina, sida uu sheegay mid ka mid ah dadkii shilkaas la kulmay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245