Saddex ka mid ah wasiirada Soomaaliya oo booqasho ku tegay Kismaayo

Mareeg.com: Saddex ka mid ah xubnaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose, iyagoo halkaas kulamo kula leh madaxda maamulka Juba.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre, waxaana xubinhiisa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga, Max’ed Sheekh Xasan Xaamud, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane iyo saraakiil ciidan.

Garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirro iyo madax ka tirsan maamulka Jubba, waxaana intaa kadib loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo.

Wafdiga ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula leh madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxaana kulankani uu yahay mid ay saxaafaddu dibad-joog ka tahay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wasiiradan ay maamulka Juba kala hadlayaan arrimo la xiriira khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245