Saddex ka mid ah saraakiisha taliska Nabad Sugidda Soomaaliya oo xilalka laga qaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Saddex ka mid ah saraakiisha taliska Nabad Sugidda Soomaaliya oo xilalka laga qaaday

Mareeg.com: Warar xog-ogaal oo ay heshay Mareed Media ayaa sheegaya in xilka laga qaaday Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Banaadir, Maxamed Adan Jimcaale (Koofi).

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilkii uu hayey Col. Koofi loo dhiibay sarkaal lagu magacaabo C/xakiim Farey oo hore u soo noqday taliyihii ciidanka Ilaaladda Madaxtooyada.

Sarkaalka xilka lag qaaday oo horay uga tirsanaa jiray Ilaalada madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir loo dhiibay bishii Luulyo ee sanadkii 2013.

Xilligaas waxaa xilkaas laga qaaday Khaliif Axmed Ereg oo mar dambe noqday wasiirka Amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, uu hogaaminayey RW hore C/weli Sheekh Axmed.

Dhinaca kale, waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Taliye kuxigeenkii Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya oo isna magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Cali Hudeey, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in xil kale loo dhiibay.

Sidoo kale waxaa isna xilka laga qaaday Taliye kuxigeenkii Nabadsugida Gobolka Banaadir C/fataax Shaaweeye, waxaana booskiisa lagu bedelay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo lagu naaneyso Faran-faro.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!